Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo fara badan la dhigay xalay qeybo qaaro ka mida Isgoysyada iyo koontaroolada magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa lagu kordhiyey fariisimo intooda badan ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyo koontaroolada laga soo galo magaalada sida Barta ciidamada in 6 Biano, Trebuunka, KPP, Ex kontrol Afgooye iyo Balcad iyo meelo kale.
Dadka degaanada howlgalka ka socdo ayaa arkay iyadoo goobahaasi la dhigayo dhagxaan waaweyn, waxaana soo baxaya warar sheegaya howlgal balaaran oo lagu wado inuu Muqdisho ka bilowdo; xilli uu Baarlamaanka Federaalka maanta bilaabayo kulankiisii ugu horeeyay ee kalfadhiga shanaad.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho qeyb ka mida bandow lagu soo rogi doono, isla markaana, baaritaan guri-guri ah laga sameyn doono; waxaana howgalka intiisa badan fulinaya ciidamada Booliska.

