Ciidamo gadoodsan ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wado soo gasha Madaxtooyadda Somaliya ee daljirka dahsoon.
Ciidamadan gadoodsan ayaa waxa ay ka cabanayaan mushar la’aan, iyagoo sheegay in muddo Saddex bilood ah aysan qaadan xuquuqdii ay lahaayeen.
Waxay sheegeen inay ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya, waxayna jareen isu-socodka wadada xariirisa taallada Daljirka Dahsoon iyo Isgoyska Jubba.
Ciidamadan ayaa soo faarujiyey garoonka diyaaraha degmada Deyniile, halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen.
Ciidamada Nisa ayaa xaalad mushar la,San ahwajahaya intii uu agaasimaha NISA noqday Fahad Yaasiin. Waxayna kusoo beegantay iyadoo dalku ku jiro xaalad kala guur ah.
