Monday, July 7, 2025

XOG: Hal Madaxweyne Goboleed oo kusoo haray taageerada Farmaajo & 4-ta Qodob ee wax laga bedelayo

Kadib laba maalmood oo si adag looga dooday heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb 3 iyo sida xal looga gaari karo Doorasho guud oo la isku raacsan yahay ayaa waxaa hakad galay shirkii Muqdisho ee madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu keli ku noqday Heshiiskii Dhuusamareeb III, markii ay in wax laga bedelo soo jeediyeen inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana kaliya taageerada heshiiska ku haray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa ku dhinac noqday Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe marka ay timid doodda ku saabsan qodobadda waaweyn ee maamulka doorashada, tirada ergooyinka, degaan doorashada iyo Xisbiyada.

Arrimaha la filayo inuu ka tanaasulo Madaxweyne Farmaajo ee lagu hesiiyo ayaa waxaa ugu muhiimsan arrmaha soo socda:

1- Maamulka Doorshada aysan ku keli noqon Guddiga Doorashada Qaran ee ay qeyb ka nqodaan Guddiga Geer Maamul Goboleed.

2- In Tirada Ergada dooraneysa Kuraasta Baarlamaanka laga dhigo 101-150 ergo

3- In meesha laga saaro Xisbiyadda siyaasadda oo lagu galo doorahdada.

4- Iyo in maamul Goboleed kasta ay doorashadu ka dhcdo laba Degaan Doorasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON