Tuesday, June 24, 2025

Ciidamo Gurigiisa ku weeraray Sarkaal milateri oo ku lug yeeshay weerarkii Naasa-hablood 2

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka lagu weeraray gurigiisa magaalada Muqdisho.

Sarkaalka oo lagu Magacaabo Cali Maxamed Jubad ayaa la sheegay in weerar lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla dhabarka dambe ee Xarunta Ha’yadda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Ee loo yaqaan Godka Jilicow, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Col. Cali Maxamed Jubad oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inay soo weerareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid, lana dilay askari ka mida ilaaladiisa mid kalena  laga dhaawacay .

Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalkaan uu 29-kii October Gurigiisa lagu qabtay saddex ka mida dagaalameyaashii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Hotelka Naasa-hablood 2, taasoo uu sheegay in weerarka lagu qaaday arrintaas la xiriiro.

“Ciidamada Ammaanka ayaa lagu amray in la is oo qabto, waxaan ahaa Ninkii Al-shabaabkii Weeraray Hotel Naasa-hablood 2 qabtay ee Hubka ka dhigay, ujeedka ma garanayo meeshii dowladdu iga abaalmarin laheyd ayey weerar igu soo qaaday” ayuu ku dooday sarkaalkan.

Waxaa hore u soo baxay warar sheegaya inuu sarkaalkan wax ka ogaa weerarkii Hotel Naasa-hablood 2, isagoo lagu tuhmay inuu qeyb ka ahaa oo gabbaad siiyay maleeshiyadii Alshabaab ee weeraray Hotelka, inkastoo isagu ku doodayo inuu qabtay, waxaana kala caddeyn qaabka uu sarkaalkan ugu lug yeeshay kiiskan.

Dagaal labada dhinac dhex maray ayaa geystay khasaare iyadoo ay ciidamada isku xeereen guriga sarkaalkan, waxaana la filayaa in gacanta lagu dhigo. Ciidamada ammaanka ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON