Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo ilaalo u ah Wasiiru Dowle oo Caawa qabtay Dabley fal toogasho ah ka fulisay Muqdisho

Ciidamo ilaalo u ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa caawa gacanta ku dhigay laba dabley ah oo fal toogasho ah geystay.

Arrintan ayaa ka dhacay Waaxda Axmed-Gureey ee degmada Hodan, kadib markii labada nin oo Bistloodo ku hubeysnaa oo la sheegay inay dhaawaceen qof ay weeraraan ay qabtee ciidamada wasiiru dowlaha oo xaafadaasi ku sugnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Thabit Cabdi Maxamed oo warbaahinta oo tegay goobta lagu qbatay ragga dableyda ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdiqaadir ay ku guuleysteen inay qabtaan labo dhallinyaro ah oo fal dambiyeed geystay kuwaasi oo doonayay inay goobta ka baxsadaan.

“Koox dhallinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan, fal dembiyeedna ka geystay oo qof soo dhaawacay ayaa la qabtay, waxaan ku wareejinay hay’adaha amniga, iyaga ayaa caddeyn doona waxay yihiin raggan bistooladaha ku hubeysnaa” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qofkii ay dhaawaca u geysteen raggan hubeysan ay ku booqdeen mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen in gacanta lagu soo dhigo rag fal dambiyeed geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON