Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya inay caawa is rasaaseyn dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland oo isku fara saaray xarunta Baaralmaanka Puntland.
Ciidamada isku dhacay ayaa kala ahaa ciidamo ilaalo ka ah xarunta Baaralmaanka Puntland iyo ciidamo kale oo isku dayey inay la wareegaan xaruntaasi, taasoo keentay dagaal dhex maray labada ciidan oo socday muddo ka badan 20 daqiiqo, iyadoo ay weli ciidamada is hor fadhiyaan, balse ay rasaastu joogsatay.
Wararka ayaa sheegayay in is-rasaaseynta labada ciidan ay ku dhinteen nin ganacssade ah oo xarun ganacsi ku lahaa meel u dhow xarunta Baarlamaanka iyo laba ka mida askarta ku dagaalameysay, waxaana ku dhaawacmay saddex kale.
Iska hor imaadka labada ciidan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed, iyadoo madaxweynaha Puntland uu wado mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.