Ciidamo u abaabulan qaab maleeshiyo milateri oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan Milateriga oo fadhigoodu yahay Gobolka Sh/Dhexe ayaa weerar kusoo galay magaalada Muqdisho, iyagoo qabsaday saldigga Booliska degmada Karan.
Ciidamadan oo la sheegay inay ka careysan yihiin howlgal ciidamada dowladda ku qaadeen sarkaal ka tirsan milateriga ayaa dagaal dhex maray Booliska saldhigga Kaaraan, waxaana la sheegay inay dileen saddex askari, hubkiina ka qaateen.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada ka mida ciidamada dowladda ee ka amar qaata saraakiisha ka hor yimid dowladda ay soo buuxiyeen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, iyadoo wata gaadiidka dagaalka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in maleeshiyada abaabulan ay galeen guriga guddoomiyaha degmada Kaaraan.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…