Tuesday, June 24, 2025

Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug oo qarka u saaran Dagaal

Wararka laga helayo  Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay ciidamo iyo maleeshiyo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay  isku hor fadhiyaan duleedka degaanka Balibusle ee Gobalka Mudug, waxaana dadka degaanka sheegeen  in labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay ciidamo ku daad gureeyeen halka loo yaqaan Ceel-la-helay oo  20-KM Koonfur ka xigta Balibusle.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal ka dhex qarxo labada dhinac, iyadoo xiisada degaankaasi ka taagan ay ka dhalatay ciidamo ka tirsan Galmudug oo hore u tegay Ceel la helay.

Dadkii reer Miyiga ahaa ee degaankaasi ayaa isaga qaxay kadib ciidamada faraha badan ee halkaasi la geeyay, waxayna arrintan u muuqataa xiisad coleed oo Mudug ka dhacda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON