Sunday, July 13, 2025

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo markii ugu horeysay la geeyay magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya ka tirsan AMISOM lagu wareejiyay ammaanka magaaladaasi.

Waxaa magaaladaasi iyo gobollada dhexe hore u joogay ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM balse gacansaare la lahaa maamulka Ahlu suna, iyadoo ciidamadaasi ay isaga baxeen magaalada sanado kadib.

Itooobiya ayaa ciidamo wata calaamadda AMISOM geysay magaalada Dhuusmareeb, iyadoo ku bedeshay ciidamadeedii hore ee danaheeda gaarka ah ka shaqeyn jiray, halka ciidamada cusub la sheegay inay ka amar qaadan doonaan taliska AMISOM.

Lama oga ujeedka Itoobiya ka leedahay arrintan, waxaana jira warar sheegaya in tegitaanka ciidamada AMISOM ee Dhuusamareeb ay qeyb ka tahay dib u heshiisiin dhex mari doonta Ahlu suna iyo Galmudug

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON