Friday, July 11, 2025

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo NISA oo qabsaday Xaruntii Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Nabadsugidda ayaa la sheegay inay la wareegeen xaruntii Villa Hargaysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Xarunta ayaa waxa ku shaqeyayey Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Xoghaynta iyo Guddoomiyaha KMG ah, waxaana saaka galay ciidamo ka amar qaata madaxtooyada oo Booliska iyo NISA isugu jira.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa qoraal uu ku faafiyey bart twitter-ka ku sheegay in Ciidamada Booliska & NISA oo uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ay la wareegeen Xarunta Villa Hargeysa.

Wuxuu kaloo sheegay in dhammaan Shaqaalaha Golaha Shacabka loo diiday inay galaan Xaruntoodii Villa Hargeysa, iyadoo sidoo kale shalay ay ciidamo uu wato Taliye Xijaar ka hor u istaageen xogheynta iyo Guddoomiyaha KMG ah inay ku shaqeeyaan xrunta Afisyone iyo Villa Hargeysa.

Arrintan ayaa ka dhalatay khilaafka ka taagan xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq oo Farmaajo awood u adeegsanayo inaysan ka mid noqon xildhibaannada Golaha Shacabka ee dooranaya Guddoonka Golaha Shacabka

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana kala caddeyn sida Berri u dhici doonto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo kooxda Farmaajo doonayaan in dib loo dhigo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON