Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya asheegay in ciidamo ka tirsan Booliska oo watay gaari xalay lagu qarxiyey agagaarka xerada Asluuubta, xaafada Galmudug ee Ex Kontorool Afgooye ee magalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino goobta loo dhigay ayaa la sheegay inay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska oo la socday Gaariga qaraxa qabsaday oo ahaa nooca Booliska adeegsadaan ee Cabdi Bille-aha loo yaqaan, waxaana ku dhaawacmay dhowr askari oo kale .
Ciidamad Booliska ayaan wax war ah kasoo saarin Qaraxa qabsaday ciidamdaasi, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay in waxyeelo weyn ay gaartay gaartay gaariga oo markii dambe goobta laga qaaday askartii dhimashada iyo dhaawac noqotay.