Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu duleedka Bari ee magaalada Muqdisho dagaal ku dhex marayo ciidamo kala taabacsan saraakiishii hoggaamineypsay ciidamadii la baxay ‘Badbaado Qaran’.
Dagaalkan ayaa ka Socda degaanka Gubadley ee degmada Kaaraan iyo degaanada la xiriira, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayaan rasaas xoog leh iyo Hubka waaweyn oo la isu adeegsanayo.
Ciidamada dagaalamaya ayaa kala taabacsan Col. Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole, waxayna wararku sheegayaan inuu dagaalka salka ku hayo Isbaarooyin lacago lagu qaado iyo goobaha laga qofo Kaawada, Jayga iyo Dhagaxa ee duleedka Muqdisho gaar ahaan Jidka isku xira Muqdisho iyo Degmada Warsheekh.
Dagaalka ayaa intiisa badan ka dhacay labada Waax ee Wajeer iyo nNageyle ee degmada Kaaraan, wuxuuna saameyn klu yeeshay xaafadda Xaawo Casir, aagga Keydsaney iyo degaanka Xarko-dheere, waxaana la sheegay inay laba qof oo dad shacab ah ku dhinteen, halka qasaare oo dhaawacyo ah ay jiraan, kuna barakceen dadkii halkaasi deganaa.
Waxaa maqribnimadii istaagay dagaalka, iyadoo uu halkaasi gaaray taliyaha ciidamada Milateriga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Guddoomiye kuxigeenka degmada oo eedeeyay Ciidamada Col. Saney (Halkan ka akhriso)
Ciidamadan ayaa hore ugu dagaalamay xaafadda Kawaan-Barri ee degmada Kaaraan, markii la isku qabtay lacagaha laga qaado Kaawooyinka laga qodo dhagaxa ee degaankaasi.
Guutada 27-aad ee ciidamada milateriga ayaa u badan ciidamo u kala qeybsan beelo iyo saraakiil iskood u shaqeysa oo mararka qaarkood dagaallo dhex maraan.