Golaha uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Rooble, ayn ka mid yihein Madaxda Maamul Goboleedyada waxay fulin waayeen jadwalkii saddexaad ee Doorashada
Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa welwel xoog leh ka muujiyey dib u dhaca doorasho ee sababay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan, taasoo ay sheegeen inay saamayn xun ku yeelatay xasilloonida, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin in tiro seddax jeer ah dib looga dhacay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyey, iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca, waxayna arrintan dusha u saareen Golha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayna ka mid yihiin madaxda Maamul Goboleedyada.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Goluhu wuxuu dareensiinayaa Golaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey .
Goluhu wuxuu ka welwelsan yahay in aysan ilaa iyo haatan shacabka Soomaaliyeed u caddeyn xilliga saxda ah ee ay Doorashada Aqalka Hoose qabsoomayso. Hay’adihii dowladda federaalk oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaatay waxey keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah.
Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, wuxuunna ku adkaynayaa madaxda Golaha Wadatashiga in ay dedejiyaan hawlaha doorashooyinka, dhabna u qaataan natiijada taban ee ay dib u dhaca doorashooyinka ku yeelan karto xasilloonida, amniga iyo dhaqaalaha dalka.
Goluhu wuxuu ku boorrinayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay suuliyaan caqabadaha keenaya daaha doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah oo dhaawici kara geeddi-socodkii dheeraa ee laga soo maray dowlad dhiska iyo dib u heshiinta dalka.
