Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamo Somali iyo Ajnabi ah ay gurigiisa ku weerrareen kuna dileen Sheekh caan ka ahaa degmada Wanla-weyn.
Weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, markii ay ciidamadan loo maleynayo inay yihiin Mareykan iyo kumaadooska Somalia ay u dhaceen, kuna dileen gurigiisa Sheekha oo lagu magacaabi jiray macalim Nuur Cismaan Bilaal.
Dadka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa nin si weyn looga yaqaan degaanka oo tafsiirka Qur,aanka iyo Cilmiga Diinta Islaamka ka akhrin jiray Masjid ku yaalla degmadaaso, iyado aan la ogeyn sababta loo khaarijiyey.
Dadka degmada Wanlaweyn ayaa si weyn uga naxay dilka Sheekha, waxayna wararku sheegayaan in Sheekha lagu dilay guri kale markii laga waayey gurigiisa oo wiil uu dhalay ay ku soo raadiyeen ciidamada.
Qoraal looga tegay goobta lagu dilay macalim Nuur Cismaan Bilaal ayay ciidamadu ku sheegeen inay dadka degaanka ka badbaadiyeen Alshabaab halis ah.