Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo kashifay Wadahadal ay Dowladda Somalia uga baxday Sheekh Roobow

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid Cabdullahi Maxamed ayaa kashifay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay wadahadalkii nabadeed ee ay la gashay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Wasiirka ayaa sheegtay inuu ahaa shaqsigii bilaabay wadahadalka dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sheekh Muqtaar Roobow, balse wuxuu ku eedeeyay dowladda  Soomaaliya inaysan fulin ballamadii ay qaaday intooda badan, oo dhinaceeda ay wax ka socon waayeen.

Arrimaha ugu waweyn ee lagu ehshiiyay, laakiin dhinaca dowladda ka fuli waayey ayuu sheegay wasiirka hore ee Gaashaandhiggainay inuu ka mid ahaa  in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday.

“Muqtaar Roobow Lix sano ka hor ayuu AlShabaabayuu ka baxay, warkiisana wuu caddeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga dhintay, marin habaabin ayaan u aragnaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo wareysi siiyey VOA-da.

Wuxuu sheegay intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wadahadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020-ka.

C/rashiid C/laahi ayaa tilmaamay ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay, wuxuuna sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay is hor istaaga lagu sameeyay Roobow ee sida lama filaanka ku dhacay markii uu tegay Baydhaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

111,613FansLike
613FollowersFollow
2,571FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

111,613FansLike
613FollowersFollow
20FollowersFollow
2,572FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!