Wasiiru dowlaha Maaliyadda oo ku jeesjeesay Xildhibaan ku hadlay Lahjada Maayga & Dood ka dhalatay [DAAWO]

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa si jeesjees ah uga hadlay su’aalo uu weydiiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo Lahjadda Maayga ku hadlay.

Xildhibaan Maxamed Fanax ayaa wasiiru dowlaha Maaliyadda wax ka weydiiyay arrimo ku saabsan Xeerka Hanti dhowrka, kulankii Baarlamaanka ee maanta oo looga dooday Xeerka Hanti dhowrka, laakiin, Wasiiru dowlaha ayaa si aan la fileyn u weerarray xildhibaanka, isagoo yiri:

“Fanax qolo kale ayuu la hadlaayey ayaan u maleynaa, aniga kolley…. waan ogahay….., laakiin Adiguna Maay baad ku hadashaa, Anigana Maxaa tiri…..waan ka xumahay adiga su’aashii baad iska qasaarisay, aniguna fursad baad i siin-weydey aan kuugu jawaabo”.

Xildhibaan Fanax ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay in wasiiru dowlaha uu u gefay umad dhan oo laga rabo raaligelin, wuxuuna ku dooday in Maayga uu yahay Dastuuri, wuxuuna sheegay inuu sharciga la tiigsan doono, isagoo diiday raali uu siiyey wasiiru dowlaha, wuxuuna sheegay in raaligelinta uu siiyo umadda uu gefka ka galay.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faaqiday arrintan iyadoo si weyn loo dhaliilay wasiiru dowlaha oo ka soo jeeda Puntland inuu si fool xun oo aan xushmad lahayn ula dhaqmo Xildhibaanka.

HOOS KA DAAWO WIXII DHACAY

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

111,364FansLike
607FollowersFollow
2,564FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

111,364FansLike
607FollowersFollow
20FollowersFollow
2,561FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!