Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay lacag deeq ah oo dhan 100 Milyan Doolar siineyso Soomaaliya, sida ay shaacisay safiirada Germany ee Soomaaliya.
Safiiradda cusub ee Jarmalka u soo magacawaday Soomaaliya Annette Gunthe ayaa ka sheegtay munaasabadda xuska maalinta midowga Jarmalka oo maanta lagu qabtay in lacag dhan 100 Million oo Dollar oo Jarmalku siinayo Soomaaliya, taasoo ah taageero dhaqaale oo dalka Jarmalka uu ku taageerayo mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga fulinayo.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay dhammaan dowladda iyo shacabka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in Jarmalka uu hawlo baaxad leh ka hayo Soomaaliya.