Sunday, July 6, 2025

Ciidamo uu Amray Madaxweyne Farmaajo oo Diyaarado lagu geeyay magaalada Beledweyne iyo Ujeedka..

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada gaarka ah ee Haramcad u dirtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii uu amray Madaxweyne Farrmaajo.

Saddex duulimaad oo diyaarado ay la socdaan ciidamada ayaa saaka ka degay magaalada Beledweyne oo kacdoon looga horjeedo maamulka cusub ee Hirshabelle ka taagnaa, waxaana la sheegay inat sugi doonaan Amniga magaalada si loogu qabto Doorashada.

Tallaabada uu Madaxweyne Farmaajo ciidamada ugu diray magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inny qeyb ka tagay awood ku maquuninta jeneraalka gadoodsan ee saameynta ku yeeshay Magaalada Beledweyne iyo, iyadoo ay hore u fashilantay qorshe uu magaalada Beledweyne muddo Bil ah u joogay wasiirka arrimaha Gudaha Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Arrintan ciidamada loogu diray magaalada Beledweyne ayaa ka dambeysay kulamo xiriir ah oo shalay ilaa xalay dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo saddexda maamul Goboleed ee tageersan (Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON