Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo badan oo maamulka Puntland xalay geeyay magaalada ay xiisad coladeed ka abuureen.
Ciidamadan oo ahaa kuwa loo yaqaan PMPF ee Imaaraadku tababraro xalay dhufayso ka qoray xaafado dhowr ah iyo aaggaga Dekadda Boosaaso, taasoo keentay in dadka qaarkood ay ka barakacaan xilli ay taagan tahay xaaladda ka dhalatay xil ka qaadista agaasimaha Hay’ada PSF oo ah ciidamada Danab ee Puntland oo uu tababaray Mareykanka.
Ciidamada PMPF ayaa saaka ka baxay xafadihii ay degaeen ee magaalada, waxayna ka mid ahaayeen ciidamada maamulka Puntland ku daabulay magaalada Boosaaso oo cabsi badan inay faraha ka baxdo xaaladda ka dhalatay xil ka qaadsita shaqeyb la’ ee agaasimaha PSF.
Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad uu jeediyey xalay ku caddeeyay inaysan Puntland ka jiri doonin ciidamo ay rag leeyihiin oo aan ahayn ciidamo dowladeed, isagoo ku adkeystay inuusan waanwaan ka geli doonin xil ka qaadista agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan (Diyaano).
“Dalkaan hal Ciidan ayuu yeelanayaa ,Ciidamo Rag leeyihiin ma yeelanayo, hal Dakhli ayuu yeelanayaa, Lacagtii Curraaraha ee qofka 2% qaadan jiray maalinkii u horeysay ka takhalusnay, Ciidamo hebelo ama hebel leeyihiin ka takhaluskooda gabogabo ayey noo socota” ayuu yiri Sicii Deni.
Toddobaad ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni uu xila ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), isagoo xilkaasi uamagacaabay Gen. Amiin Xaaji Kheyr, laakiin waxaa diiday xil ka qaadistaas, kana horyimid taliyaha PSF.
