Sunday, June 22, 2025

Cilad ku timid Adeegga EVC Plus oo Qas iyo Jahawareer ka dhalisay Goobaha Ganacsiga Muqdisho

Goobaha ganacsiga kala duwan ee Muqdisho ayaa maanta laga dareemay muran iyo cakirnaan ka dhalatay markii shaqeyn waayay adeegga EVC Plus ee lacagaha la isugu diro Mobile-da Shirka Isgaarsiinta Hormuud.

Macaamiil badan ayaa ku xayirmay maqaayadaha iyo Hoteelada kadib markii kharashkii lagu lahaaday ay awoodi waayeen inay u tuuraan ganacsatada goobaha ganacsiga, waxayna ciladan bilaabtay Duhurnimadii maanta iyadoo soo gaartay galabta.

Dad badan ayaa ku xayirmay goobaha ganacsiga  iyagoo ku mashquulay telefoonadooda, waxayna is qabsaday ganacstada iyo macaamiisha iyadoo markii la waayey qaab kale oo lacagta lagu bixiyo.

Ad

Dadka Muqdisho ayaa inta badan adeegga EVC ka dhigtay qaab ay lacagaha ku bixiyaan iyadoo 90% wax lagu kala iibsado, taasoo keentay inay meesha ka baxdo lacagtii waraaqaha ahayd ee Shilin Soomaalida iyo waliba doolarkii.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan, waxaana hore u dhacay dhowr jeer cilado noocan oo kale ah, iyadoo aanu jirin sharci xakameynaya adeegan EVC.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON