Sunday, July 13, 2025

Ciladihii Xil wareejin la’aanta Kheyre oo kusoo baxay Ra’iisal Wasaare Rooble (Dhagax-dhig yaab leh..!)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee aan weli soo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta 15-ka Oktoobar 2020 la shaaciyey inuu dhagax dhagax dhigay xarunta Gurmadka Qaranka oo uu hore u dhagax dhigay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Xaruntan oo baahideeda soo baxday kadib qaraxii 14-ka Oktoobar 2017, ayaa leh taariikh dheer oo dhaqaale loogu raadiyay iyo isbedel ku dhacay goobta laga dhisayo, iyadoo dhagax dhigga maanta uu muujinayo inuusan Ra’iisal wasaare Rooble ka warqabin waxqabadkii xukuumadii ka horeysay maadaama aanu xilka kala wareegin Ra’iisal wasaarihii ka horeeyay.

-Waxaa khudbadii Ra’iisal wasaaraha ka muuqatay in la marin habaabiyey markii uu sheegay in baahida dhismaha xaruntan ay soo baxday markii uu booqday Isbitaallada Banaadir, Martiini iyo Yardemeli 11-kii bishan Oktoobar 2020 (Afar maalmood ka hor dhagax-dhiggii maanta)

Dib u eegis aanu ku sameynay mashruuca dhismaha xarunta Gurmadka Qaranka ayaa waxaa soo baxday xaqiiqooyinka soo socda:

-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bartamihii September 2019 shir uu la yeeshay xubno ka socda Dowladda Sweden iyo hay’adda UNFPA waxa uu ku qanciyey in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraan dhismaha Xarunta Qaranka ee Gurmadka Degdegga ah (XQGD).

– Muddo Bil ka dib, 13-kii Oktoobar 2019, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre dhagax dhigay xarumo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Bangiga Dhiigga iyo Xarunta Qaranka ee Gurmadka Degdegga ah, waxaana markaasi xaruntani Gurmadka loo qorsheeyey in laga dhiso Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ay degan tahay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinku. Halka Bankiga dhiigga laga dhagax dhigay Isbitaalka Banaadir.

– Waxaa la go’aamiyey in Dhismaha xarunta Gurmada Qaranka laga wareejiyo Xarunta Hargaha iyo Saamaha, loona wareejiyo Dugsigii Sare ee Banaadir oo markaas uu ka guuray Isbitaalkii Deva. 19-ka Janaayo 2020 ayuu wareegto uu Ra’iisul Wasaare Kayre soo saaray (XRW/019/01/2020), ku faray in Guddiga Qaran ee Gurmadka Degdegga ah in lagu wareejiyo Isbitaalka Deva (Ex Dugsi Sare Banaadir) si looga dhiso Xarunta Qaranka ee Gurmadka Degdegga ah. Warqaddaan oo ku socotay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mas’uuliyiintii loo diray fuliyeen 26kii Janaayo, waxaana isbitaalka si rasmi ah loogu wareejiyey guddiga gurmadka degdegga ah.

– Wixii markaas ka danbeeyey waxaa dhismaha xarunta taageero dhaqaale oo gaaraya 2 Milyan Doollar looga helay dalka Sweden. Guddiga Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ayaa ku jiray dhismaha xaruntan oo shirkadii dhisi lahayd Qandaraaska la siiyey, isla markaana waxaa socday howsha dhismaha inta uu dhicin Cudurka Covid-19 oo hakad geliyey shaqada.

– Hirgelinta xaruntan ayaa ahayd qorshe dadweynaha Soomaaliyeed la socdeen, waxayna ka mid ahayd tallooyinkii dowladda loo soo jeediyey kadib qaraxii dadka badan ku hoobteen ee Oktoobar 14, 2017.

Waxay dad badan la yaabeen in maanta 15-ka Oktoobar 2020 uu Ra’iisul Wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo mar kale xaflad u dhigay dhagax-dhigga isla Xaruntii sanad ka hor la dhagax dhigay, taasoo caddeyn ua ah inaan Ra’iisul Wasaaraha wax xil ah lagu wareejin, kana ka war hayn shaqooyinka la soo qabtay iyo kuwa hadda socda.

Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON