Sunday, June 29, 2025

C/kariin Guuleed oo gaaray Jigjiga & Wadahadal u bilowday Galmudug iyo Kilinka 5aad

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamul goboleedka Soomaalida Itoobiya ku kulansiiyay madaxweynayaasha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Kilinka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar.

C/kariin Guuleed ayaa gaaray magaalada Jigjiga, taasoo qeyb ka ah dadaal uu Axmed Madoobe u galay xalinta dagaallo xuduudka labada maamul ku dhex maray dad shacab ah iyo ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida Itoobiya.

Axmed Madoobe, Cabdi Maxamuud Cumar iyo C/kariin Guuleed ayaa si wadajir ah kulan uga bilowday magaalada Jigjiga, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujiyeen iyagoo farxad aan la qiyaasi karin ka muuqtay.

Goobjooge.com ayaa hore u soo werisay in Axmed Madoobe u tegay Jigjiga waanwaan uu ka dhex wado maamulada Galmudug iyo Kilinka shanaad ee Itoobiya.

guuleed-madoobe-iley

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON