Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu maanta ka dhoofay magaalada Baydhaba oo uu ka socday shirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida isagoo dib ugu laabtay xarunta maamulkiisa ee Cadaado.
C/kariin Guuleed ayaa Cadaado ka sheegay inuu guul ku dhammaaday shirkii Baydhaba, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay in heshiis laga gaaray liiska odayaasha, shaqada guddiga doorashada, iyo guddigii Gobolka Banadir arrintiisa loo xil saaray oo muddadiisa la yareeyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka oo muddo 4 maalmood ah qaatay kadib shir kale ay isugu imaan doonaan 20ka July.
Goobjooge.com