Tuesday, July 22, 2025

C/kariin Guuleed oo kala diray Golihii Degaanka Gaalkacyo, xilkana ka qaaday

Guuleed

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wareegto uu xalay soo saaray ku kala diray dhammaan Golihii degaanka magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug oo muddooyinka uu ku sugnaa.

Wareegtada madaxweynaha Galmudug ayaa lagu caddeeyay in lagu kala diray Golaha Degaanka Gaalkacyo, iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyaha Gobolka Mudug ee qeybta Galmudug Aweys Cali Sacid.

Golaha Degaanka Gaalkacyo ayaa waxaa ka jiray khilaaf ba’an oo ragaadiyay golahaasi, iyadoo lagu wado in gole cusub la soo xulo si loogu belo golihii hore oo ka yimid maamulkii Cabdi Qeybdiid.

Wareegtada ayaa sidoo kale si rasmi ah loo shaacin doonaa, iyadoo  madaxweyne C/kariin Guuleed ay hor yaallaan dhismaha maamulada degaanada maamulkiisa oo ah kuwo aan si buuxda u shaqeyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON