Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu garoonka diyaaradaha magaaladaasi ka duulay Madaxwaynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guleed oo ay la socdaan xubno uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkaJubbaland Cabduqaadir Maxamuud Lugadheere.
Socdaalka C/kariin Guuleed ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay ka qeybgalka xaflada furitaanka shirka maamul u sameynta Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe oo maanta ka furmaya magaalada Jowhar, iyadoo kadib dib ugu laaban doono magaalada Kismaayo.
Maamulka Jubba ayaa u soo dirsada C/qaadir Lugadheere inuu u metelo furitaanka shirka Jowhar. Waxaana sidoo kale la socda wafdiga C/kariin Guuleed xubno ka socda maamulada kale ee Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com