Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa taageeray musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud ee mar labaad u ordaya in dib loo doorto.
“Wadanku uma baahna nin cusub oo lix bilood ay ka qaadaneyso isbarashao, lix bilood oo kale ay ka qaadaneydo dowlad barasho, ee waxaan rabnaa qabyadii aad noo sheegtay inaan dhameytirto..” ayuu yiri Xildhibaan Fartaag oo ka mida Aqalka sare ee Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay xafladii xalay ka dhacday hotelka SYL ee lagu taageray musharax Xasan Shekeh ayuu caddeeyay in 190 xildhibaan oo goobta isugu timid ay arkeen halka danta dalku ku jirto.
Goobjooge.com