Xildhibaan hore loo laalay kursi uu ku soo baxay magaalada Cadaado ayaa mar kale dib loogu doortay magaalada Muqdisho.
C/qaadir Gaafow Maxamuud oo la dhashay taliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed C/lalahi Gaafow ayaa ku guuleystay doorasho ku celis ahayd oo laga soo wareejiyay magaalada Cadaado, kana dhacday caasimadda.
Kursigan oo jufo ka mida Beesha Murusade ay lahayd waxaa ku tartamay C/qaadir Gaafoow oo helay 50 Cod iyo Zakariye Maxamed Cosoble oon waxba helin.
Musharixiin kale oo ku qornaa tartanka ayaan soo xaadirin arrimo aan la shaacin dartood. Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay inuu guuleystay C/qaadir Gaafow.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com