Saturday, June 28, 2025

C/raxmaan Faroole & Jen. Moorgan oo ka dhex muuqda musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland [SAWIRRO]

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta bilaabay inuu dhageysato khudbadaha musharixiinta Aqalka sare.

Musharixiinta ugu cadcad ee ka soo xaadiray Baarlamaanka Puntland waxaa ka mida madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo Jen. Maxamed Saciid Xersi (Morgan).

Labadan musharax ayaa lagu wadaa inay si fudud ku soo baxaan kuraasta ay ku loolamayaan, waxaa hore loo hubay inuu soo bixi doono C/raxmaan Faroole, laakiin Jen. Moorgan ayaa rajadiisa ay meel sare gaartay kadib markii laga reebay musharixii uu watay C/weli Gaas ee Mahad Cabdalla Cawad.

Khudbooyinka ayaa laga yaabaa inay socdaan laba maalmood haddii lagu soo gabagabeyn waayo maanta, taasoo doorashada Aqalka Sare ee Puntland ka dhigi doonta inay dhacdo Khamiista iyo Jimcaha.

DAAWO SAWIRRO

farole-morganfaroolemorganmusharaxiinGoobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON