Xildhibaan C/risaaq C/risaaq Xasan Cismaan (Jurille) ayaa beeniyay inuu u sharxan yahay xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Prof. Jurille oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay inaysan jirin shir ay beesha Daarood yeelatay oo isaga loogu go’aamiyay inuu u tartamo xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Wuxuu caddeeyay in qoondada 4.5-ka ay doorashada ku saleysan tahay, kursigaasina ay leeyihiin beelaha ka soo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland.
DHAGEYSO WAREYSIGA SENATOR PROF. JURILLE EE GOOBJOOG FM
Goobjooge.com