Tuesday, July 1, 2025

Cudurka Coronavirus & Somalia: 5 Qodob Dowladdu ka gaabisey & 6 tallo oo hadda nala gudboon (Akhriso)

Iyadoo maanta la shaaciyey in qofkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Coronavirus uu joogo Muqdisho, kana yimid dal dibadda ah oo uu cudurkan ku faafay, ayaa waxaa muuqata inuu si weyn u hooseeyo diyaargarowga dowladda Soomaaliya ee arrintan cudurka COVID-19 ku saabsan.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay muuqatay in Wasaaradda Caafimaadka ay la daalaa-dhaceysay maareynta arrintan, waxaana arrinta lagu waday heer hoose iyadoo aan muhiimad weyn la siin, taasoo hadda kadib u baahan wax ka qabasho buuxda iyo in loo aqoonsado musiibo Qaran, sida dunida kale.

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya waxay ka gaabsatay inay shaaciso dalka uu ka yimid qofka Coronavirus-ka laga helay, iyadoo markii horena dowladda Somalia aysan wax tallaabo ah ka qaadin diyaaradda Ethiopian Airlines oo jebisay amarkii ahaa inaysan dad ka keenin dalal uu China ka mid ahaa.

Dowladda Federaalka inkastoo aanay awoodeeda iyo dhaqaalaheedu badneyn, haddana waxay ka gaabisay markii horeba arrimaha soo socda:

1- In arrinta Coronavirus la siiyo qiimeynta ay mudan tahay oo Guddi heer sare ah la sameeyo, ayna si toos ah ugu lug yeeshaan xafiisyada sare ee Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaaraha.

2- In la sameeyo Guddi Qaran oo cudurkan qaabilsan, lana abaabulo dhaqaatiirta, isbitaallada caafimaadka iyo bulshada rayidka ah oo kaalin weyn qaadan kara markii dhibaato weyn dhacdo.

3- In la abaabulo dhalinyarada caafimaadka baratay oo kumanaan laga heli karo caasimadda iyo gobollada kale, kuwaaso u baahan seminaar kooban iyo qalabeyn si ay ololaha ka hortagga cudurkan uga qeyb weyn uga qaataan.

4- In xilli hore la adkeeyo dadka dalka soo galaya ee ka imaanaya dalalka uu saameeyay cudurkan, iyadoo ay weli su’aal ka taagan tahay qofka laga helay cudurka ee ka yimid dibadda (China) dadkii la saarnaa diyaaradda halkii ay ka baxeen. Arrintan waa halis haddii dadkaasi ay magaalada Muqdisho gudaha galeen.

5- Diyaarinta xarumo iyo goobo caafimaad oo lagu karaantiilo dadka qaba cudurkan ama looga shakiyo. Waxaa jira dhismooyin iyo goobo ku haboon oo la tilmaami karo- sida isbitaalka Martiini, isbitaalkii hore ee DEVA iyo xarumo kale oo badan oo si fudud loo diyaarin karo.

CORONAVIRUS KADIB

Waxaa dowlad iyo shacab dhammaan la gudboon mar haddii cudurkii gudaheena laga sheegay in la qaato tallaabooyin degdeg oo lagu xakameeyo cudurka, iyadoo la raacayo tilmaamaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Waxaa hadda muhiim ah:

1- In la helo goobo u diyaara inay qaabilaan dadka cudurkan looga shakiyo oo lagu baaro.

2- In hanti iyo kaadir loo diyaariyo ka hortagga cudurkan iyo wacyi gelinta dadka, iyadoo dowladdu u aqoonsaneyso musiibo Qaran, isla markaana kaashaneysa bulshada rayidka ah.

3- In la helo meel ay la xiriiro Ciddii dooneysa baaris ama qabta cudurka (Telefoono Hotline oo lacag la’aan ah) iyo in dadka la baro sida ay isu-karaantiili karaan iskood.

4- In amarro laga soo saaro isu imaatinka dadka- safarrada dibadda haddii la joojiyey- waa in dib loo eegaa waxbarashada, shirarka iyo dhacdooyinka kale ee dadku isugu yimaadaan.

5- In Isbitaallada caafimaadka ee dalka ka jira ay meelo gaara u diyaariyaan la-tacaalidda cudurkan, loona abaabulo inay u shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.

6- In shacabku raaco farriimaha caafimaad iyo amarrada ka hortagga Coronavirus, lagana fogaado faafinta wararka aan xaqiiqada ahayn.

Waxaa xusid mudan in Hay’adda Caafimaadka adduunka ay dalalka saboolka ah ka taageerto qalabka, tababarka iyo daawada cudurkana lagula tacaalayo, waxaana jira taageero dhaqaale oo dalalka Somalia oo kale loo qoondeeyay.

Guud ahaan mar haddii aanu nahay bulsho muslim ah waa inaan Alle u towbad keeno, kana duceysano inuu cudurkan na garab mariyo.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON