Xubno ka socday hoggaanka Culimada Soomaaliyeed ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo doorkii uu qaatay guddoomiye Jawaari oo iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo u tanaasulay danta guud, waxayna culimadu guddoomiye Jawaari hordhigeen dalab culus.
Culimada ayaa ka codsaday Guddoomiye Jawaari inuusan ummada Soomaaliyeed kala tegin aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo talooyinkiisa oo lagama maarmaan u ahshacabka Soomaaliyeed, waxayna u sheegeen in xilka isbedelay, laakiin aanu waajibkii wadaniga ahaa ka degin.
Sheekh Bashiir Axmed Salad oo ka mid ahaa culimadii la kulantay Jawaari ayaa sheegay inuu Jawaari yahay qaamuus nool, taladiisuna muhiim haddii nahay culimada Soomaaliyeed, qeybtiisanaa uu ka qaato badbaadinta dalka iyo dadka.