Dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhaxeysa dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo muujisay inay diayar u tahay wadashaqeyn iyo xiriir fiican oo dhex mara labada dal.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Somalia iyo Imaaraadka, sida dhaqaalaha iyo siyaasadda oo soo jiray qarniyo, iyadoo madaxda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan xiriirkaasi.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay inay socdaal dadaallo loogu jiro sidii meesha looga saari lahaa mad-madowga soo galay xiriirka labada dal, waxaana lagu soo qaaday in shilkii ka dhacay Garoonka Muqdisho 8-dii Bishan ee lagu qabtay lacag u socotay Safaaradda Imaaraadka ay dowladda Imaaraadku caddeysay halkii ay ku socotay lacagtaasi, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan sidii howshaasi u fuli lahayd.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqatay in dowladda Soomaaliya ay dib u celineyso lacagtii lagu qabtay garoonka Muqdisho ayna dooneyso in xal loo helo xiriirka xumaaday ee labada dal.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No automatic alt text available.