Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka  Jaamacadda Carabta ee magaalada Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka  dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Soomaaliya u metelay shirkii madaxda jaamacadda Carabta, isagoo la kulmay madax ka tirsan hoggaamiyeyaasha carabta, wuxuuna xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku iyo inay fuliyaan balanqaadyadii ay Soomaaliya u sameeyeen.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta deymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka.

Madaxweyne Farmajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo booqasho ku tago dalka Qatar oo hore safar uga baaqday kadib xiisadii siyaasadeed ee Baarlamaanka Soomaaliya.