Madaxweyne Gaas oo War Cad kasoo saaray Xiriirka Puntland & Imaaraadka Carabta [Shir Jaraa’id & Beenin]

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa beeniyay inuu xumaaday xiriirka Imaaraadka Carabt iyo maamulka Puntland.

Isagoo mantasShir ku qabtay Xeradda Ciidamada Badda Puntland ee ku taalla duleedka Magaalada Boosaaso oo ay ka howlgalaan ciidamada Imaaradka ayuu faahfaahin ka bixiyey wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay saraakiishii tababaryaasha ciidmada kala baxday degaanda Puntland.

Gaas ayaa sheegay in Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku aadan horumarinta Puntland iyo iskaashiga milateri, isla markaana aysna waxba ka jirin in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Gaas waa uu beeniyey arinta guuritaanka sarakiisha ka joogay dowladda Imaraadka waxaana uu yiri  “Waxaan idiin sheegaya in aan dowladda Imaraadka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankeena badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dowladda imaraadku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman”.

Madaxweynaha Puntland ayaa caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta. Isagoo warar been abuur ah ku tilmamay in Saraakiil Imaaraad ah oo lagu dhibaateeyay Garoonka Boosaaso.

Arrintan aya ka danbeysay kadib wadahadal qoto dheer oo dhex maray saraakiisha Imaaraadka iyo madaxweynaha Puntland.

DHAGEYSO SHIRK JARAA’ID EE C/WELI GAAS

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,934FansLike
554FollowersFollow
2,433FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,933FansLike
554FollowersFollow
19FollowersFollow
2,432FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!