Askari ka tirsan ciidamada maamulka Jubbland oo dil naxdin leh u geystay xaaskiisa ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Askarigan ayaa la sheegay inuu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa si fool xun ugu dilay xaskiisa oo lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure oo da’deedu ahayd 18 sano jir, iyadoo aan lasoo werin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeyay.

Askariga oo ka tirsanaa Ciidamada Gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa la qabtay, waxaana gacanta ku dhigay maamulka Jubbaland, iyadoo la sheegay inuu baaritaan ku socdo Askariga dilka naxdinta leh geystay.

Dadka ehelka la ah Xaaska la dilay ayaa sheegay in iyadoo jiifta Daaradda Guriga ay deganaayeen uu rasaas ku furay ninkeeda, waxayna arrintan noqotay mid si weyn loogu falanqeynayo baraha bulshada.