Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa sheegay in xaalad adag uu dalka ku sugan yahay xilligan, taasoo aan hore loo soo marin.
“20-kii sano ee ugu danbeysay, kadib shirkii Carte xaalad noocan oo iyadoo aan waxba lagu heshiin uu dammaado waqtiga kama dhicin dalka.. iyadoo aan doorasho la qaban, heshiisna jirin… waa ayaandarro… Xaalad tan ka halis badan ayuu dalku geli lahaa..” ayuu yiri Cumar C/rashiid.
Isagoo ka hadlayey dhaqanka madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Farmaajo ayuu sheegay inuu dadka sii kala fogeeyay, meel xunna uu gaarsiiyeym ayna xaaladu gaartay in la is caayo oo kaliya ay harsan tahay in la is gaaleysiiyo sida uu yiri Ra’iisal wasaarihii hore oo wareysi siiyey VOA-da.
Wuxuu sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku dhaqmeen -in la kala adkaado ah -, taasoo aan ka shaqeyneynin Soomaaliya, wuxuuna rajeeyay in Doorashada soo socota kadib laga gudbo dib u dhaca weyn ee Soomaaliya ay gashay afartii sano ee lasoo dhaafay.
DHAGEYSO
