Wednesday, July 16, 2025

Cumar C/rashiid oo Digniin soo saaray: “Xaaladu waa ka xun tahay sidii aan hore uga baqeynay..”

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka digay in xaaladda Doorashu ku socoto ay aad uga xun thây sidii markii hore la filayey.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu si weyn u dhaliilay in Doorasho lagu qabto xero Ciidanka, sidii ka dhacday magaalada magaalada Garowe, isagoo sheegay doorasho noocaas ah ay boob iska tahay.

“Haddii doorashada lagu qabto xeryo ciidan, maxay tahay waxa waxa Guriga FEIT ka reebaya inuu si cad u wajahdo sharci-darradaas?. Yaan ku xisaabtameynaa dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda?. Wax kasta oo nalagu sameeyo miyaynu si nacasnimo ah isaga aqbaleynaa?. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan hore ka baqaynay” ayuu farriintiisa ku yiri Cumar C/rashiid.

Maamulka Puntland ayaa xerada ciidamada 54-aad ee magaalada Garowe u asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha shacabka, halkaasoo shalay 5 xildhibaan lagu doortay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON