Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa digniin kasoo saaray warkii xalay kasoo baxay Hay’adda NISA ee lagu sheegay inay Alshabaab Dil khaarijin ah u qorsheysay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka.
Cumar C/rashiid oo laba jeer noqday ra’iisal wasaare ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay Farriinta ka timid Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA, ioo uu sheegay inay halis Tahary
“Digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa Nabad Nolol ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa masraxa lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Cumar C/rashiid ayaa ka mida siyaasiyiin iyo dad badan oo la fal celiyey Digniinta ka timid NISA oo sii xoojisay tuhunka ah inay wada shaqeeyaan Alshabaab.