Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hore u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib muddo saddex sano oo uu dalka maqnaa.
Cumar Cabdirashiid oo war kooban siiyey saxafiyiinta magaalada Garowe ayaa sheegay inuu madaxda Puntland kala tashanayo xaaladda Doorashooyinka Soomaaliya oo Baarlamaanka Federaalka uu ka doodayo iyo ka qeyb-galayo Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire, oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka dhacdo tuulada Jeedalow oo ka tirsan degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid dhexdhexaadin doono madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari ee sida eyn u mucaaradsan xukuumadda Puntland, waxaana socdaalkiisu imaanayaa iyadoo loo diyaar garoobayo doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.
Cumar C/rashiid ayaa ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isgoo aan kas oo xaadirin dhammaan kalfadhiyadii Golahaasi mudadii uu jiray.