Wednesday, July 9, 2025

Cumar C/rashiid oo afka furtay: “Dowladaha deriska ayaa shaqsiyaad gaara wata oo faragelin ku haya Doorashada..”

Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa afka furay isagoo ku eedeeyay dalalka  deriska ah qaarkood inay faragelin ku hayaan Doorashada dalka oo ay wataan shaqsi gaara.

Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaan magacaabin dowladaha uu tilmaamay, laakiin wuxuu sheegay inay cadaadis ku saarayaan maamulada dalka in la doorto musharax gaara.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ugu baaqay  inay iska ilaaliyaan Faragelinta tooska ah ee wadamada Dariska ay ku hayaan Doorashada dalka, taasina laga digtoonaado, isagoo sheegay inaysan habooneyn arrimaha ammaanka in looga faa’iideyso arrimo siyaasadeed.

Cumar C/rashiid Cali ayaa muddooyinkan danbe warkiisa la maqlin, waxaana yaraaday ololihiisa iyadoo loo aaneynayo inay taageeradii kala noqdeen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo hore u sheegay inay ku taageerayaan sidii uu doorashada ugu soo bixi lahaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON