Ra’iisal Wasaaraha xukuuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharmaarke) ayaa qoraal uu soo saaray uu amrayo in hay’adaha ammaanka ay ilaaliyaan nabadgelyada musharixiinta.
Qoraal laga soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu amray wasaaradaha Amniga iyo Warfaafinta lagu amray in ay dhowraan Xuquuqda Musharixiinta.
Qoraalkan ayaa ka danbeeyay haddallo kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mida Hay’adaha ammaanka oo iyagoo ku marmarsoonaya arrimo amaan xayiraad ku soo rogay saxafiyiinta inay tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ama bannaanbaxyo lagu qabto Muqdisho.
Waxaa la dareemayaa loolan awoodeed oo ka dhex taagan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cumar C/rashiid oo labaduba ah musharixiin madaxweyne, lamana oga cidda ay raaci doonaan wasaaradaha la isku hayo.
AKHRISO QORAALKA