Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka war helay xilli danbe qorshe halis ku ah rajadiisa musharaxnimo
ee uu doonayo inuu dib loo doorto, kaasoo uu wado Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Qorshahan oo muddo dheer socday ayaa ku saabsan isbaheysi Cumar C/rashiid la galay siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo musharaxiin madaxweyne ah, iyagoo doonaya inay ka hortagaan soo laabashada Xasan Sheekh.
Cumar C/rashiid oo aan weli shaacin musharaxnimadiisa jagada madaxweyne ayaa la sheegay in dalal badan oo carab iyo Afrikaan ah uu taageero ka helay, isla markaana beeshiisa ku midoobeyso marka dambe musharax kaliya oo la loolama Xasan Sheekh.
Dhinaca kale waxaa socda isbaheysi lagu xaqiijinayo in Xasan Sheekh looga takhaluso si aanu dib ugu soo laaban xafiiska oo ay iska kaashanayaan ilaa lix musharax oo Cumar C/rashiid hormuud u yahay, arrintan oo Xasan Sheekh xilli dambe ka war helay ayaa ku noqotay lama filaan, iyadoo aan la ogeyn sida uu isaga difaaci doono qorshahan halista ah.
Goobjooge.com