Tuesday, July 14, 2020
More

    Cumar Filish: “Muqdisho waa magaalada kaliya ee Shanta Soomaali aysan ku dareemin in laga leeyahay”

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo dhoweeyay metalaadda Gobolka Banaadir ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyey inuu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare.

    Isagoo ka qeyb galayey isu soo bax ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Gobolka Banaadir inuu marti geliyay caasimadii, caasimaddana ay marti gelisay shacabka Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyey codsigii madaxweynaha u jeediyey Baarlamaanka iyo Baarlamaanka oo ansixiyey xuquuqda G/Banaadir.

    Ad

    “Magaalada Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa magaalada dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana hooyada Calanka Soomaaliyeed.. Waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin.. taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho. Magaalada Muqdisho ma noqon, mana noqon doonta hooyo ilmaheeda caasisa, waxay barbaarisay oo ay nuujisay Shanta Soomaaliyeed oo hadda hanaqaad ah…” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    Cumar Filish wuxuu sheegay in bulshada Banaadir u sabreen wax badan oo aan u qalmin. Wuxuuna si gaara u mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan iyo guddoonka Baarlamaanka Federaalka, Guddigii xildhibaan Ibraahim Yarow iyo dhammaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,033FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,521FollowersFollow
    144,033FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,521FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!