Wednesday, June 25, 2025

C/weli Gaas: “Itoobiya waa dowladda kaliya ee taageerta Puntland” [Dowladda Federaalka oo la eedeeyay]

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa bogaadin weyn  iyo mahadcelin u jeediiay dowlada Itoobiya, iyadoo dhinaca kale dowladda Federaalka ku eedeysay inay caqabado u dhigtay

Munaasabad weyn Maamulka Puntland ku sagootinayay 410 Ardey oo deeqo waxbarasho ka helay meelo kala duwan oo Itoobiya ka mid tahay ayuu agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ka sheegay inay ahayd caqabada kaliya oo ay la kulmeen intii ay ku hawlanaayeen raadinta deeqdaan mid uga timid Dowlada Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlay munaasabadda ayaa amaan balaaran iyo bogaadin huwiyay  Dowladda Ethiopia, isagoo sheegay inay tahay Dowladda kaliya oo taageerada siisa Puntland, marka loo eego Dalalka tirada badan oo saaxiibada dhow la ah Dalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay ogaadaan dalka Itoobiya inuusan ula mid ahayn dalalka caalamka iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya, aadna ugu dhow yahay Puntland.

Ardeyda loo direy deeqda waxbarashada ayaa isugu jira Waxbarashada Jaamacaddaha heerka 1aad (Degree) iyo Waxbarashada Jaamacaddaha heerka 2aad (Master), waxayna kala aadeen dalalka Suudaan, Itoobiya iyo jaamacado ku yaalla gudaha dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON