Monday, July 14, 2025

XOG: C/weli Gaas oo Dalbaday inuu khudbad u jeediyo Baarlamaanka Somalia (Madax kale oo ku biirtay)

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaalida qaarkood ayaa dalbaday inay khudbado ka jeediyeen Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalbaday inay ka hadlaan kalfadhiga labaad Baarlamaanka Federaalka waxaa ugu horeeyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo aan la ogeyn waxa uu doonayo inuu u sheego xildhibaanada.

Markii uu soo baxay codsiga C/weli Gaas ayaa la sheegay in madaxweynayaasha maamulada kale ay iyaguna dalbadeen inay ka hadlaan baarlamaanka, taasoo keentay in dhammaantood ay guddoonka Baarlamaanka codsiyo gaarsiiyeen.

Lama oga in la aqbali doono iyo inkale, waxayse noqon doontaa markii ugu horeysay ee madaxda maamul Goboleedyada ay khudbado ka jeediyeen Baarlamaan Federaal ah.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON