Friday, June 27, 2025

C/WELI GAAS oo ku dhawaaqay Dagaal Puntland ku qaadeyso kooxda Alshabaab [Dhageyso]

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas shir Jaraa’iid ku qabtay Madaxtooyada Garoowe, isagoo  ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.

‘’ Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo dalkooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON