Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa lagu qasbay inuu liiska musharixiinta Aqalka Sare ka saaro siyaasi ay isbaheysi lahaayeen oo ka soo jeeda Beesha Dir.
Liiska cusub ee maanta uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland (Guji halkan) ayaa gebi ahaanba laga waayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo hore uga mid ahaa Liiskii hore (Halkan ka eeg).
Mahad Cawad ayaa isbeheysi siyaasadeed oo xoog leh la leh C/weli Gaas iyo Puntland, laakiin waxaa ka hor yimid awood qeybsiga qabiilka ku dhisan oo keentay in C/weli looga adkaado liiska Aqalka sare lagana saaro saaxiibkii siyaasadeed ee qura oo Beesha Harti ku wehliyay degaanada Puntland.
Akhri: Madaxweyne C/weli Gaas oo Kursi ka mida Aqalka sare ku bixiyay Saaxiibtinimo siyaasadeed
Beesha Dir ee Mudug ayaa labadeeda aqal la geeyay Cadaado iyo maamulka Galmudug, taasoo siyaasad ahaan uu arrinteeda ku adkaatay madaxweyanah Galmudug C/kariin Guuleed, haddana waxaa muuqata in siyaasiga Mahad Cabdalla Cawad uu bannaanka ku soo dhacay, isagoo ka haray xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka cusub.
Goobjooge.com