Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Gole la baxay “GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA” oo lagu dhisay shirkii Kismaayo.
Golahan ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn doono danaha dowlad Goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah, waxaana sidoo kale guddoomiye ku xigeen loogu doortay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan xilka Hirshabeelle loo caleemo saari doono.
Golahan ayaa laga cabsi qabaa inuu la tartamo dowladda Federaalka, soona saaro go’aamo ka horjeeda kuwa dowladda Dhexe, taasoo keeni karta inay uga sii darto xaaladda siyasadeed ee dalka.