Thursday, June 26, 2025

C/weli Gaas oo loo qabtay inuu 21 maalmood ku soo magacaabo xukuumad Cusub

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa heysta muddo 21 maalmood ah si uu xukuumad cusub u soo magacaabo.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii baarlamaanka maamulka Puntland uu saaka kalsoonidii kala noqday xukuumadii Puntland, isla markaana cod uu qaaday ku kala diray. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas inuu degdeg u soo dhiso xukuumad cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa sida uu qorayo Dastuurka Puntland wuxuu heystaa 21 maalmood oo uu xukuumad cusub ku soo dhiso, waxayna arrintan oo degdeg u dhacday la sheegay inay kedis ku tahay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas)
Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas)

C/weli Gaas oo mudadii xilka madaxweynaha Puntland ay gabagabo tahay ayaa si weyn lougu eedeeyay in xukuumad goboleedkiisa ay ku fashilantay arrimo dhowr ah oo ammaanka iyo dhaqaalaha ugu waaweyn yihiin.

Xiisadda siyaasadeed ee soo food saartay madaxweyne Gaas ayaa loo arkaa mid soo dib dhacday iyadoo xildhibaano badan oo ka tirsan Puntland ay dhaliilo badan u hayeen maamulka uu hoggaamiyo C/weli Gaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON