Thursday, July 10, 2025

C/weli Gaas & Shariif Sh. Axmed oo Sacuudiga uga shiray Doorashada 2016

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo labaduba ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan gaara ka yeeshay xaaladda Soomaaliya iyo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2016.

Labada nin oo hore u ahaa madaxeweyne iyo Ra’iisal wasaare iska hoos shaqeeya xiligii ugu danbeeyay  ee Kumeelgaarka ayaa siyaasadda ku kaal tegay markii C/weli Gaas si buuxda u taageeray Xasan Sheekh Maxamuud xiligii doorashada 2012, isagoo xildhibaanada kale ugu baaqay inay doortaan isbedelka  oo uu ula jeeday Xasan Sheekh.

C/weli Gaas ayaa markan olole weyn ugu jira inuusan dib u soo laaban Xasan Sheekh, halka Shariif Sheekh Axmed uu yahay musharax madaxweyne, waxaana labadaba ay ka mideysan yihiin inuusan dib u soo laaban Xasan Sheekh, waxaana shirkooda oo albaabada u xirnaa wararku sheegayaan inay si hordhac ay uga hadleen doorashada soo socota iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON